Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Nuur Cadde oo ka Hadlay Qaraxii Lagu Dilay Haween ka Shaqeynayay Nadaafadda
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 04 2008
Nuur Cadde oo ka Hadlay Qaraxii Lagu Dilay Haween ka Shaqeynayay Nadaafadda
Written by Ali Moallim   
Monday, 04 August 2008

Nuur CaddeMuqdisho, (insidesomalia.org) - Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa daboolka ka qaaday in qaraxii shalay uu ahaa mid si lama filaan ah ku dhacay, isla markaana uu aad uga xun yahay.

 

"Waxaa wax laga xumaado ah in qarax lagu dilo haween aan waxba galabsan oo ka shaqeynaya nadaafada, waana cambaareynaynaa cidda ka dambeysa noocay doonto ha ahaatee" ayuu yiri Ra'iisul wasaare Nuur Cadde oo shalay qabtay shir jaraa'id.

 

Nuur Cadde wuxuu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxo dano gaar ah leh, isagoo sheegay inuu u duceynayo inta dhaawacantay inta dhimatayna uu RABBI uga barbaryayo Janno.

 

Qaraxii shalay ka dhacay wadada Maka Al-Mukaramah ayaa sababay inay dhintaan ku dhawaad 17-haweenka qashinka ka shaqeeya ah, kuwaasoo si lama filaan ah ay ugu qaraxyaday miino dhulka dhinaciisa la geliyay.

 

Dhaawacyadii ka dhashay qaraxaas ayaa la dhigay isbitaalka Madiina halkasoo lagu daweynayo, iyadoo dhaqaatiirta ku howlan daweynta haweenkaas ay sheegeen in laba ka mid ah la waayay nooca dhiigooda.

 

Taliyaha Booliiska Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka hadlay qaraxaas ayaa sheegay inay ku tuhmayaan kooxda Al-shabaab, isagoo iska fogeeyay inay iyagu ka dambeeyaan; waxayna kooxaha ka horjeeda Dowladda ku eedeeyeen isla shalay qaraxaas Dowladda.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >